Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Qabsatay Degmada Taleex


Ciidamada Somaliland ayaa maanta gudaha u galay oo qabsaday degmada Taleex ee gobolka Sool oo fadhiisin u ahayd maamulka Khatumo. Wararka ayaa sheegaya in degmada ay haatan ka jirto xiisad.

Afhayeenka ciidanka Somaliland, Cismaan Cabdillaahi Saciid ayaa VOA u xaqiijiyay qabsashada Taleex, wuxuuna afhayeenku ku dooday in Taleex ay ka mid tahay deegaannada Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya inay dhaceen iska-horimaad, balse ilaa imika lama xaqiijin karo in khasaare ka dhashay iyo in kale.

Degmada Taleex ee gobolka Sool, waaa goobtii lagu dhisay maamulka Khatumo.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin xiisadda ka taagan Taleex.
XS
SM
MD
LG