Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo Weli Diiddan Safiirka Iran ee Qaramada Midoobay


Iran ayaa ka dalbaneysa guddi ka socda Qaramada Midoobay inuu qabto kulan gaar ah oo looga hadlayo go’aanka Mareykanka uu Visa ama dal ku gal ugu diidday diblomaasiga Iran ay u xulatey inuu danjire uga noqdo Qaramada Midoobay.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ka hor yimid magacaabista Danjire Hamid Abutalebi, iyagoo ku xiriirinaya inuu qeyb ka qaatey qabsashadii safaaradda Mareykanka ee magaalada Tehran sannadkii 1979. Afhayeenka Aqalka Cad, Jay Carney ayaa sheegay in xulashada Iran ee dibloomaasigan aaney shaqeyn karin.

Warqad ay qoreen diblomaasiyinta Iran ee Qaramada Midoobay ayaa waxay ku xuseen in go’aanka xukuumadda Washington uu saameyn xun ku yeelanayo hanaanka diblomaasiyadda, isla markaana uu abuurayo tusaale khatar ah. Waxaa Iran ay sheegtay in Visa ama dal ku gal loo diido xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ay ka hor imaneyso xeerarka caalamiga ah.

Iran waxay dooneysaa in guddiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Xiriirka uu degdeg wax uga qabto arrintan.

Dalka Cyprus oo madax ka ah guddigan, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxay ka soo xigatey danjiraha Cyprus ee Qaramada Midoobay, Nicholas Emiliou, oo sheegay in kulanka ay Iran dalbatey laga yaabo inuu dhaco toddobaadka dambe.
XS
SM
MD
LG