Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuska 54 Guurada Ciidanka Xoogga Somalia


Maanta waxey ku beegantahay 54 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga Dalka Somalia, oo la aas aasay 12kii April sanadkii 1960kii.

Munaasabado lagu xusayo maalintaa ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyin kale oo ku yaala koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Xuskan ayaa ku soo beegmay iyadoo ciidamada Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM ay ku jiraan guluf dagaal oo gobolada iyo degmooyinka dowladda ka maqan ay kaga qabsanayaan ururka Al-shabab.

Taariikhda Ciidanka iyo munaasabadan waxaa VOAdu ay wax ka weydiisay Taliyihii hore ee ciidanka Xoogga, General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

Wareysiga halka hoose ka dhageyso:
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00
XS
SM
MD
LG