Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xafiiska Cashuuraadka Maraykanka oo Digniin Soo Saaray


Xafiiska Cashuuraadka ee Dalka Maraykanka ee loo yaqaano IRS ayaa ka digay kooxo isku daya inay si sharci darro ah lacag uga qaataan dadka cashuur-bixiyayaasha ee dalkan Maraykanka. Iyada oo wakhtigan lagu jiro xilliga cashuur celinta sanadlaha ah.

Kooxahan ayaa inta badan beegsada dadka ku cusub dalkan Maraykanka oo aan wax badan ka aqoon sharciyada iyo nidaamka Dalka.

Xafiiska Cashuuraadka ayaa wada shaqayn la sameeyay ururada bulshada ee la shaqeeya dadka ku cusub Maraykanka.

Naanna Axmed oo madax ka ah ururka haweenka ee SAWA ee Magaalada Chicago isla markaana la shaqaysa Ha'yadda Pan-African Association ayaa VOAda uga warrantay baaxadda ay leedahay dhibaatada ka dhalan karta arrintan.

Waraysiga oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:09 0:00
XS
SM
MD
LG