Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadda ka Taagan Baydhabo


Suuqa Baydhabo
Suuqa Baydhabo
Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta kacsan, kadib markii maalintii saddexaad ay dhaceen dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo joogitaanka xildhibaanno uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariiif Xasan Sheekh Aaden, kuwaasoo Baydhabo u jooga sidii ay u dhisi lahaayeen maamul-goboleed cusub oo ka kooban 3 gobol. Dibadbaxyadan waxaa dhigaya taageerayaaasha maamul goboledka cusub ee 6 gobol ee dhawaan Baydhaba laga dhisay.

Ergayga XGQM ee Somalia, Nicholas Kay ayaa laba dhinac ee isku haya Baydhabo, wuxuu ugu baaqay inay khilaafkooda wadahadal ku dhameeyaan.

Wareysi la xiriira xiisadda Baydhaba ka taagan halka hoose ka dhageyso:
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:28 0:00
XS
SM
MD
LG