Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Sideed Oday Toogatay


Al-Shabab Militants
Al-Shabab Militants
Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in rag hubeysan oo la sheegay inay ka tirsanyihiin maleeshiyadka ururka Al-Shabab ay galabta gabal dhicii toogasho ku dileen sideed rag ah oo saaraa gaari rakaab ah meel ku dhow degmada Buurhakaba.

Goob joogayaal ayaa VOAda u sheegay in dhamaan dadka la dilay ay ahaayeen rag ay maleeshiyadu kala degtay gaariga oo ka soo baxay magaalada Baydhabo kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaddaka Al-Shabab ee dilkan geystay ayaa jidgooyo u dhigtay gaariga oo sida muuqata bartilmaameed u ahaa, waxey kala degeen raggan oo odayaal ahaa, ka dib waxey ku toogteen meel aan wadada sidaa uga fogeen.

Taliyaha Booliska gobolka Bay Colonel Mahad Abdirahman ayaa VOAda u sheegay in sideeddan ragga ah ee ay Al-shabab toogatay ay ahaayeen odayaal ka qeybgalay shir dhawaan lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Waxaana dilkan loo geystay iyagoo ku sii jeeday deegaanadooda, gaar ahaan magaalada Muqdisho, Marka iyo Deegaanka Nambar 50.
XS
SM
MD
LG